Akhriso;-Xukunka Odoyaashii Degmadda Xarardheere Kula Heshiiyay Al-shabaab

0

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun ku ridday Odayaashii dhawaan heshiiska lasoo galay Shabaab kadib markii ay ugu tageen Xarardheere.

Odayaashan oo kala ah:-Sugaal Warsame Cali, Caliyare Axmed Xeyle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa 27-kii December ee sanadkii tegay laga soo xiray gudaha degmada Cadaado, ayaga oo markaas uun ka yimid dhinaca Xarardheere oo ah halka uu heshiiska ka dhacay.

Kadib shir jaraaid ay ku qabteen Magaaladda Cadaado,kadib ayaa waxaa soo qabtay ciidamadda amaanka Magaaladda,oo kadib usoo gudbiyay Magaaladda Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda CQS ayaa lagu yiri sidatan.

“Ciidamada Amniga ayaa Cadaado ka soo xeray December 27-keedii Sanadkii tegay Odoyaal heshiis kula soo galay Xarardheere inta aan laga fara maroojin shabaab 16-kii January sanadkan 2023.

Odoyaasha ayaa diiday amar dowladda ka yimid oo ahaa in aan lala macaamili karin Al-shabaab  oo ay dowladdu dagaal kula jirto, waxa ayna is geeyeen si’ iskood ah Xarardheere iyaga oo mar-marsiyo ka dhiganayo dhaqan aysan ku matalin reer ka mug wayn go’aankooda.

18-kii January sanadkan ayay soo dhamaatay Maxkamadaynta Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow.

Maanta ayay maxkamadda kuwada xukuntay Shan Sano oo isugu jirto Xabsi ciidan iyo il ku haynta Police-ka, sida uu warbaahinnta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Qareenada u doodayay odayaashan ayaa sidoo kale Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ka hor sheegay in saddexdaan Oday aysan kusoo laaban laheyn Cadaado oo aheyd meeshii laga soo qabtay haddii uu sax ahaan lahaa heshiiska Shabaab.

Odoyaasha ayaa haysto fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here