Mas’uul Ka Tirsan Maamulka Degmadda Dharkinley oo Isku day Dil Ka Badbaaday

0

Kooxo hubeysnaa ayaa saakay weerar ku qaaday Hoyga Mid kamid ah Gudoomiye ku-xigeenadda maamulka Degmadda Dharkinley ee Gobolka Banaadir.

Weerarkaan oo loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray hoyga C/llaahi Xasan Afrax (Shaarkey) oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Dharkiinley.

Mr. Shaarkeey ayaa ka badbaaday shirqoolkan oo lagu damacsanaa in lagu khaarijiyo, waxaase ku geeriyooday wiil yar oo 14 sano jir ah, kaasoo daganaa guri ku dhegan midka weerarka lagu qaaday, waxaa sidoo kale jira burbur soo gaaray guriga mas’uulka weerarkan lagu qaaday.

Ragii ka dambeeyay weerarka ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen,waxaana goobta soo gaaray ciidamadda amaanka Maamulka Degmadda Dharkinley.

Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa kordhiyay maalmihii dambe weeraradda ay ka fuliyaan Magaaladda muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here