Guddiga farsamo ee shirka dib u heshiisiinta Koofur Galbeed ayaa shaaciyay xiliga uu furmaayo shirka Dib u heshiisiinta ay dhawaan shaaciyeen Guoodoomiyaha Baarlamaanka Federaaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddiga oo warsaxaafadeed soo saaray waxa ay ku sheegeen in shirkan uu furmayo 16-ka bishan oo ku beegan maalinimada Isniinta ee todobaadkan, waxaana ka harsan oo kaliya beri oo Axad ah.
Guddiga ayaa wakiilada beesha caalamka iyo cid kasta oo loo diray casuumaada shirkaasi waxay ka dalbadeen iney deg deg usoo gaaraan magaalada Baydhabo oo ah halka loo cayimay inuu shirkaasi ka qabsoomo.
Shirkan oo lagu heshiisiinayo siyaasiyiinta Koofur Galbeed ayaa sidoo kale looga hadli doonaa xal u helista deegaanada maamulkaasi oo meelo badan oo kamida Shabaab go’doomiyeen.
Sida qorshaha uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamud ayaa lagu wadaa in uu furo shirka ShirkAan oo lagu heshiisiinayo siyaasiyiinta Koofur Galbeed Soomaaliya.

