Al-shabaab oo La Sheegay in ay Isaga Baxeyn Degmada Xarardheere

0

Wararka ka imaanaya degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ee Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in halkaas ay isaga baxeen dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa sida la xaqiijiyay ka hor inta aysan ka bixin degmadaas waxay shacabka Degmadda Xarardheere ku amreen in ay ka baxaan magaaladda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Shabaab iyo shacabkii ay ka xaysteen u baxeen miyiga iyo tuulooyinka ka baxsan Xarardheere.

Warkaan sheegaya in Al-Shabaab ay ka baxeen degmada Xarardheere wuxuu soo yeeray iyadoo uu socdo abaabulkii ugu xooganaa oo magaaladaas looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab – Xarardheere ayaa weligeed ku jirtay gacanta Al-Shabaab.

Ciidamada PSF ee Puntland ayaa si rasmi ah ugu biiray gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta gobolka Mudug, xili ay howl-galo culus ka bilaabanayaan deegaanada maamulka Galmudug.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa la sheegay inuu hoggaami doono gulufka Al-Shabaab looga saarayo Galmudug ee abaabulkiisu uu ka socdo Koonfurta Gobolka Mudug.

Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe bilowday inay faarujiyaan deegaanada ay ku sugan yihiin, markii ay ka war helaan in lagu soo wajahan yahay, ma galaan dagaal is difaacid ah, laakiin waxay weli awoodaan inay weerar toos ah ku qaadaan xeryaha ciidamada, taas oo dhibaato badan ay ku qabaan ciidamada Soomaaliya,sida ka dhacday saldhigyo ciiamadda Dowladda Soomaaliya la wareegeen oo ku yaala Degmooyinka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Al-shabaab ayaa muddo15-sano ah gacanta ku hayay Degmadda Xarardheere ee Gobolka Mudug,waxayna ka xayireen dhulka iyo cirka,waxaana dhowr jeer oo hore ka dhacay duqeymo lala beegsaday xubno Al-Shabaab ah.

Maamuladii Galmudug soo maray ayaa ku fashilmay in ay soo celiyaan Degmada Xarardheere oo muhiimu ah Galmudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here