Maamulka Gobolka Bari oo Ka Hadlay Qaraxyo Ka Dhacay Boosaaso

0

Guddoomiyaha Gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Siciid Shaahdoon ayaa ka hadlay labo qarax oo xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Guddoomiye Shaahdoon ayaa sheegay in laba bambo-gacmeed xalay  fiidkii lagu tuuray meel u dhow hoteelka Jaabir, waxaana hoteelkaasi ka socotay xaflad lagu taageerayo diiwaangelinta doorashada qof iyo cod ee Puntland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan ciddi wax ku noqon qaraxyadaasi.

Maanta oo taariikhdu tahay 5/Janaayo/2023 ayaa loo balansan yahay inay ka bilaabato diiwaangelinta doorashadu gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here