Dagaal Ka Dhacay Laascaanood,Ciidamadda Somaliland oo Laga Saaray Magaaladda

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool,kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamadda Somaliland iyo  ciidamo deegaanka ah oo u abaabulnaa qaab qabiil.

Dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii Ciidamada Somaliland si bareer ah u dileen mid kamid ah haldoorka Magaaladda Laascaanood,oo qeyb ka ahaa kacdoonka ka socday maalmahaan Magaaladda Laascaanood.

Saacado uu dagaalka uu socday kadib ayaa waxaa Magaaladda laga saaray inta badan ciidamadda Maamulka Somaliland,waxaana jiro khasaare ka dhashay dagaalka ka dhacay Magaaladda.

Dadwayne isugu soo aruuray barxadda magaalada ayaa dab qabadsiiyay calanka Somaliland iyagoo sita calanka Soomaaliya,waxaana magaaladda xalay laga dareemayay dabaaldagyadda ku aadan in magaalada laga saaray ciidamadda Somaliland.

Dhinaca kale, Maamulka Somaliland ee gobolka Sool ayaa beeniyey in laga qabsaday magaalada, iyagoo intaa ku daray in la xiray askar caawa toogasho ku dishay nin shacab ah oo hubeysan.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Magaalada laascaanood,oo maalmahaan ay ka dhacayeen banaanbaxyo loogu soohorjeeday MaamulkaSomaliland.

Arinta laascaanood oohaatantaagan muddo laba todobaad ayaa waxaaa jirin cidku dhiirtay Dowladda,Puntland oo ku aadan joojinta dagaalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa ku baaqay in lajoojiyo dagaalka ka socda Magaaladda,balse Somaliland ayaa sheegtay in faragalin ay jirto iyo dad kicinaayo shacabka Magaaladda Laascaanood.

Magaaladda Laascaanood ayaa waxaa isku haystay muddo sanado ah Maamulada Somaliland iyo Puntland,waxaana shacabka Magaaladaas ay codsadeen in tixgalin la siiyo.

Madaxweynayaashii soo maray Somaliya ayaa ka gaabsaday in ay shaaciyaan mowqifkooda ku aadan Gobolka Sool,oo shacabkiisau baahan yahay aqoonsi,islamarkaana dadaaladaas ay ku baxeyn waxgarad iyo siyaasiyiin.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here