Dowladda oo Sheegtay in La Burburiyay Maxkamadihii Al-shabaab Sh.Hoose

0

Howlgalo qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka gaarka ah ee NISA iyo Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa  laga sameeyey degaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkan oo ahaa mid baaxad leh laga sameeyey wadada isku xirta Muqdisho iyo Marko.

“Waxaa howlgalkan uu ahaa mid shabaab lagu sifaynayay waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho ilaa Marko ayaa waxay ku burburiyeen xarumo qarsoodi ahaa oo Shabaab ay ku lahaayeen degaannada Ceel-maracade, Buufow bacaad, Garas Gawaan, Galka Saalimo iyo degaano hoos taga Number 60” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan ciidanka Haramcad.’

Waxaa uu sheegay in howlgalkan lagu burburiyey wax uu ugu yeeray maxkamad beenaadyo iyo xarumo ay dadka ku baadaan.

“Intii howlgalka uu socday sidoo kale ciidamadu waxay xireen wadooyin Shabaab ay u isticmaali jireen gudbinta gawaarida waxyaabaha qarxa ay ku xiraan si ay ugu dhibaateeyaan shacabka” intii intaas ku daray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here