Dowladda mareykanka ayaa ka hadashay duqeyn lala beegsaday dagaalyahanadda Xarakadda Al-Shabaab.
Duqeyn Jimcihii ka dhacday meel ku dhow magaalada Cadale oo qiyaastii 150 mile dhanka waqooyi bari kaga beegan caasimadda Muqdisho ayaa lagu dilay Lix dagaalame oo Shabaab ah.
Waxa ay sheegeen ineysan jirin wax khasaare ah oo Shacabka ka soo gaaray, iyagoo ki sifeeyay inuu ahaa is difaac oo ay kaga hortageen weerar ay maleegeysay kooxda Al-Shabaab.

