Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Baaq nabadeed u diray Shacabka Koonfur Galbeed.
C/casiis Lafta-gareen oo laga soo duubay muuqaal soconayay Shan daqiiqo oo la soo dhigay bogga madaxtooyada maamulkaasi ayaa kaga tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayay dagaalka, wuxuuna caafimaad deg deg ah u rajeeyay kuwa dhaawacyada ah.
Waxa uu carabka ku adkeeyay in talaabo laga qaadi doono dadkii ka danbeeyay dagaalka, ma uusa sheegin nooca talaabo ee uu qaadayo maamulkiisa.
“Dhacdadii ka dhacday waan baari doonnaaa, waana la xisaab tami doonnaa cidii ka danbeysa” ayuu yiri madaxweynaha oo wajigiisa laga dheehan karay carada uu la qaaday dagaalka oo kusoo aaday xili bilow ay u tahay mudo kororsigiisa halka sano ah.

