Koobka Kubada Cagta Aduunka oo Si Rasmi ah Uga Furmay Dalka Qatar

0

Waxaa waddanka Qatar ka bilowday tartanka ciyaaraha Kubadda Cagta ee Koobka Adduunka markii ugu horaysay lagu qabanayo Dal Muslim ah, Carab ah oo bariga dhexe ku yaala.

Wufuud heersare ah iyo taageerayaal ka kala tagay daafaha dunida ayaa gaaray dalkaas ku yaal Khaliijka Carabta, halkaas oo uu tartankaasi ka socon doono muddo bil ah.

32-kooxood ayaa ka qeyb qaadanaya tartankan, kaas oo xafladda lagu furayo ay bilaabatay 5:40 daqiiqadood waqtiga Bariga Afrika.

Heesaaga Jungkook ee u dhashay Kuuriyada Koonfureed, iyo fannaanka reer Qatar ee Fahad Al-qubaysi ay kamid yihiin hoballada lagu casuumay inay ka heesaan xafladda furitaanka.

Madaxeynaha dalka Masar Cabdifataax Siisi iyo dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Ibnu Salmaan, ayaa ka mida madaxda ka qayb gashay furitaanka Cayaaraha koobka Adduunka ee ka dhacaya dalka Qadar.

Ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida, Karim Benzema, oo u dhashay waddanka Faransiinka ayaa seegaya tartanka kubadda cagta ee Koobka Adduunka oo goor dhow ka furmay waddanka Qadar, kadib markii uu ka dhaawacmay muruga lugta bidix.

Dhaawaciisa ayaa yimid tababarkiisii ugu horeeyay ee buuxa ee xulka Faransiiska ee Koobka Adduunka, kuwaas oo ay hadda ka maqan yihiin shan ciyaaryahan.

Karim Benzema ayaa ku biiray liiska ciyaaryahannada caanka ah ee seegaya koobkan, kuwaas oo uu sidoo kale ka mid yahay xiddiga kooxda Bareyn Munich iyo xulka Senegal Sadio Mane oo isna dhaawac ah.

Waxaa ciyaarta furitaanka sidoo kale ka qeybgalay madax ka socota caalamka, kuwaasoo ay ka mid yihiin Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune, Madaxweynaha Senegal Macky Sall iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here