Nabadoon Xasan Cali Eybakar oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Rag hubeysnaa ayaa xalay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Nin Nabadoon ahaa.

Dhalinyaro bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay Nabadoonka oo lagu magacaabi jirey Xasan Cali Eybakar oo ahaa nabadoon si weyn looga yaqaano magaalada Muqdisho.

Nabadoonka ayaa sidoo kale kamid ahaa tiro nabadoono ah oo dhexdhexaadin ka dhex waday dagaal beeleed ka socda degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xasan Cali Eybakar ayaa kamid noqonaya tiro dad shacab ahaa oo saacadihii aynu soo dhaafnay lagu dilay Magaaladda Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here