Kooxo hubeysnaa ayaa galabta Xaafadda Baar-ubax ee Degmadda Howlwadaag waxa ay ku dileen laba nin oo kamid ahaa darawalada gawaarida gaadiidka xamuulka ah ee ka shaqeeya Xamar iyo gobolada dhexe ee dalka.
Labadda nine e la dilay ayaa lagu kala magacaabi jirey Cabdi Seytuun Yuusuf iyo Kowte Faarax Jimcaale.
Kooxaha hubeysnaa ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen dilka kadib,waxaana goobta laga qaaday meydadka labadda ruux.
Waa dilkii 3aad ee 24 saac gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho, saaka ayey aheyd markii degmada dayniile lagu dilay Jeneraal Cabdullahi Xuseen Wardheere (Waran) oo ka tirsanaa Saraakiisha milatariga Soomaaliya, waxaana ka sii horeeyey dil sidoo kale xalay loo geystay Sheekh Cabdicaziiz Maxamed Xirsi, oo ahaa imaamkii masaajidka Dabaqeynka ee degmada Dharkenley.

