Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Degmadda Deyniile

0

Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa barqanimadii maanta ka dhacay Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaan ayaa lala eegtay gaari nooca dagaalka ah ee loo yaqaan Cabdi Bilaha oo marayay laamiga dheer ee Degmadda Dayniile.

Qaraxa ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Ceelka Ifis ee laamiga Dayniile hareerihiisa ku yaalla, waxaana qaraxa la sheegay in uu haleelay gaariga Cabdi Bilaha ee marayay goobtaasi.

Goobjooge tagay goobta qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in indhihiisa ku arkay dhaawacyada labo wiil oo shacab ah oo marayay goobta uu qaraxu ka dhacay, sidoo kale jiraan dad kale oo dhaawacyo qaba oo hortiis la qaaday.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here