Ciidamadda Dowladda iyo Shabaab oo Ku Dagaalamay Deegaan Hoos taga Buulo burde

0

Dagaal u dhaxeeyay ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Jicibow oo qiyaastii 30km dhanka Waqooyi kaga beegan dagmada Buule burte ee Gobolka hiiraan.

Dagaalkaan ayaa bilowday kadib markii ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay weerareen degaanka Jicibo oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalka oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu yahay mid xoogan oo jilbaha la isu aastay.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, balse aan weli laga helin faahfaahin.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here