Al-Shabaab ayaa si kulul uga hadashay amarkii shalay ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee warbaahinta looga mamnuucay iney baahiyaan wararka Shabaab iyo dadka la fikirka ah.
Bayaan ay so saareen ayaa digniin adag loogu diray warbaahinta qaadata amarada dowladda, iyagoo sheegay iney si lamid ah dowladda ay ula dagaalamayaan cidii dhaqan gelisa amarkii ka soo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya.
“Waxaan halkan uga digeynaa dhamaan warbaahinta ka shaqeysa gudaha Soomaaliya inay ka qayb qaadato dagaalka ka dhanka ah Shareecada Islaamka. Warbaahin kasta oo si bareer ah ama si dadban ula safata xukuumadda Soomaaliya, waxaan u aqoonsaneynaa inay qayb ka tahay duullaanka” ayaa lagu yiri warka Shabaab kasoo baxay.

