Madaxweynaha Hir-shabeelle oo Guddi u Magacaabay Qaraxyadii Beledweyne

0

Madaxweynaha Dowladd goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magacaabay Guddiga Gurmadka iyo Qiimeynta Khasaarihii ka dhashay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa faray guddigaan in si deg deg ah ay ku howlgalaan si loogu gurmado dadka ku waxyeeloobay qaraxyadii argagixiso ee ka dhacay Magaalada Beledweyne, qiimeynna ay ku sameeyaan baaxada qasaaraha ee uu geystay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here