Maareeyaha Garoonka diyaaradaha ee Magaaladda muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal lagu baahiyay baraha bulshadda oo lagu sheegay in ay jirto cabsi ku aadan weerar ka dhaca garoonka iyo hareerihiisa.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Maareeyaha maamulka iyo amniga garoonka Aadan Cadde ayaa lagu sheegay warqadii hore ee lagu daabacay warbaahinta iyo baraha bulshada ay tahay mid been abuur ah.
Maareeyaha qoraalkan cusub uu soo saaray ayuu ku sheegay in amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde gacanta ku hayaan hay’addaha amniga, waxaana lala socodsiiyay bulshada Soomaaliyeed in warqadii hore aysan waxba ka jirin.


