Falagle oo Ka Hadlay Muddo Kordhinta Loo Sameeyay Qoor-qoor

0

Maamulka Galmudug ayaa sharaxaad ka bixiyay muddo kordhintii dhawaan Baarlamaanka Maamulka Galmudug uu u sameeyay Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor).

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle oo wareysi siiyay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sharaxaad ka bixiyay sababtii Baarlamaanka Maamulka Galmudug mudada ugu kordhiyay Madaxweynaha Maamulkaas.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Qoor-qoor uu qorshaynayo in Galmudug uu ka hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah,taasina ay tahay sababta keentay in mudada loo kordhiyo.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta diidan muddo kordhinta in ay adkeysi sameeyaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here