Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saacadihii aynu soo dhaafnay ka dhacay deegaano ka Tirsan gobolka Hiiraan ee maamulka Hir-shabeelle.
Dagaalka ayaa ka dhacay Degmada Maxaas iyo tulooyin hoos yimaada,waxaana halkaas ku dagaalamay ciidamadda Al-shabaab iyo kuwa Macawisley oo garab ka helaya ciidamadda Maamulka Hir-shabeelle iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Ceelka Dhaaydhabe oo hoostaga tuulada Teedaan ee degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Al-shabaab iyo ciidamadda Macawiiley ayaa siyaabo kala duwan kaga hadlay dagaalka ka dhacay Deegaano hoos yimaadda Degmadda Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Warar lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ay isku aruursanayeen ciidamadda Macawisleyda loo yaqaano.
Al-shabaab waxa ay shegeen in dagaalka ay ku dileen ugu yaraan 50 macawiisleey ah oo badankood looga cararay goobtii lagu dagaalamay.
Sarkaal military oo u hadlay Xarakada Shabaab ayaa xaqiijiyey in ay dileen 50 maleeshiyo hubkoodana ka furteen, isagoo sheegay in badankood meydadkooda looga cararay goobtii lagu dagaallamay.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen xubno ka Tirsan ciidamadda Macawisley oo dhaawacyo kala duwan qaba.
Dhanka kale Ciidamadda Macawiley ayaa sheegay in guulo ay ka gaareen dagaaladii saacadihii aynu soo dhaafnay ka socday deegaano ka Tirsan Gobolka Hiiraan,islamarkaan ay shabaab jab lagu gaarsiiyay.
Deegaano badan oo ka Tirsan Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-shabeelle waxaa ka socda dagaalo loogu soo horjeedo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab,kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay dhibaatooyin ay ku hayaan shacabka ku nool deegaanadda Gobolka Hiiraan.

