Ciidamadda Sirdoonka Puntland oo Ka Hadlay Weerar Lagu Qaaday Al-shabaab

0

Ciidanka Sirdoonka gaar ah ee Puntland (PISF) iyo Ciidanka PMPF, oo is kaashanaya ayaa saacadihii la soo dhaafay hawlgal wadajir ah oo qorshaysan ka fuliyay buuraleyda Calmadow ee Gobolka Bari, sida lagu sheegay war ka soo baxay Ciidamada.

Hawlgalka oo lagu beegsaday dagaallamayaasha Al-shabaab ayaa laga fuliyay degaannada ku teedsan buuraleyda Calmadow oo ay ku jiraan Ceel-dibir, Majiyahan, Ceel-kharaar, Dhadhaabo iyo Macagta.

Qoraalka Ciidamada ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas lagu qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo gaadiidkii ay u adeegsan jireen sahay-gaarsiinta dagaallamayaasha ku sugan buuraleyda Calmadow.

“Hawlgalka ayaa lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo cadawga u fududeeya Sahayda (raashinka), waxaana gacanta ciidanku ku dhigeen gaadiidkii ay adeegsan jireen” ayaa lagu yiri warkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here