Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa xalay dab qabadsiiyay Tuuladda Xanan oo kamid ah tuulooyinka hoos yimaadda Degmadda baxdo ee gobolka Galgaduud, ee Maamulka Galmudug.
Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka, dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa xalay gudaha usoo galay tuuladda Xanan waxayna dhamaan dad qabad siiyeen guriyihii ku yaala tuuladda.
Dadkii ku noolaa guryaha xalay dabka la qabadsiiyay ayaa xalay ku hoyday banaanka,waxayna shabaab dib ugu laabteen tuulooyinka ay gubeen.
Arintaan ayaa imaanaysa xili dhawaan ay Al-shabaab ay dab qabadsiiyeen, ceelashii iyo xaruntii isgaarsiinta Deegaanka Cada-kibir,ee Gobolka Galgaduud.

