Cumar C/rashiid:-“Muddo Kordhinta Axmed Madoobe Ma Ahan Mid Sharci ah”,!

0

Raisulwasaarihii ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa ka hadlay arrimaha muddo kordhinta Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe).

Waxa uu sheegay in Muddo kordhinta loo sameeyay Axmed Madoobe ay tahay mid baalmarsan sharciga loona baahan yahay in laga laabto sida ugu dhaqsiyaha badan.

Dhanka kale Raisulwasaarihii ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sababta dowladda dhexe kaga aamusan tahay muddo kordhinta uu sameystay Axmed Madoobe.

“Waa khalad weyn in ku darsasho la sameeyo, fikirka keenaya waxbaa ku darsanayaa waa mid aan dulqaad ka shaqeyneen, waxa uu kasoo horjeedaa dimuqraadiyadda waana in aan marnaba loo ogolaan, intaas ayaad heysatay, waxa laguugu dhaariyay adiga oo og intaas in aad heysatid, wixii Barnaamij ah aad keentay shalay ee aad dhahday waan ku qabanayaa haddii aadan qaban eedeeda adiga ayaa iska leh, wax ku darsasho la yiraahdo waa in aan laga aqbalin,dowladda Dhexe way ka aamusan tahay arrintaan waa mid khatar ah waayo haddii aysan ka hadlin tan Jubbaland, haddii Galmudug tiraah waan ku darsaday ama Puntland dhahdo Dowladda dhexe ma waxa ay leedahay Jubbaland waan ka aamusayaa tan Dowlad-Goboleedyada kale ayaan ka hadlayaa, Cumar Cabdirashiid.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here