Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa hawlgal ay Axaddii ka sameeyeen deegaanka Yaaqbari-weyne ee Gobolka Shabellaha Hoose waxa ay ku soo qabteen nin ka tirsan Al Shabaab.
Taliyaha Ururka 4aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab, Dhamme Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa sheegay in ninkan uu hadda Al Shabaab u qaabilsanaa howlaha sirdoonka iyo sahanka, gaar ahaan inta u dhaxeyso Degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ninkan oo baaritaan uu ku socdo uu horey Shabaab uga soo qabtay xilal kala duwan, sida madaxa qaraxyada ee gobolka iyo uruurinta Zakaawaatka.
Taliyaha oo aan sheegin magaca ninkaasi ayaan dhanka kale soo hadalqaadin, haddii ay horey u hayeen xogta goobta uu ku sugan yahay iyo haddii kaleba.

