Hantidhowrihii Hore oo Ka Hadlay Go’aanka W/Maaliyadda Maamul Goboleedyadda

0

Hantidhowrihii hore ee Qaranka Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aankii ay dhawaan qaateen Wasiiradda Maaliyadda Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Dr. Nuur Faarax oo wareysi siiyay idaacadda Simba ayaa ka hadlay go’aanka ay qaateen wasiiradda Maaliyadda Maamul Goboleedyadda kaasi oo ahaa in xiriirka loo jaro Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka  Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in talaabadaas ay qalad aheyd,islamarkaana go’aanka ay qaateen wasiiradda Maaliyadda Maamul Goboleedyadda ay dhaawac ku tahay dowladdnimadda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxa uu ugu baaqay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay soo saarto shuruucyo ay kuwada shaqeyn karaan kuwa Maamul Goboleedyadda,si meesha loogu saaro awoodaha ay adeegnayaan Maamul Goboleedyadda dalka ka jira.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here