Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug ayaa sheegtay in ay soo saari doonto sharci loou hortagayo dagaaladda kusoo laab-laabtay deeganadda maamulka Galmudug.
Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dib-u-heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), oo la hadlay Radio Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Galmudug ay diyaarisay qodobadii loogu hortagi lahaa dagaal beeleedyadda.
Waxa uu sheegay in beelaha qaar ay haystaan hub culus,kuwaasi oo keenaya in dagaalada dhaca ay geystaan khasaare kala duwan,ayna adkaato in lala dhexgalo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dib-u-heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), ayaa dhanka kale ugu baaqay beelaha wada daga Galmudug in ay Nabadda ka shaqeeyaan,islamarkaana aysan colaadda qeyb ka noqonin.

