Ciidamadda Dowladda oo Kala Dhexgalay Maleeshiyaad Ku Dagaalamy Laba-gale

0

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad oo ka baxay Magaalada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa kala dhexgalay Maleeshiyaad tan iyo shalay ku dagaalmayay degaanka laba-gale oo deegaanka Dhabad kaga beegan dhanka Koonfureed.

Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa isku khilaafay god laga qoday deegaanka laba-gale.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay 25-qof oo dhinacyadda dagaalamay ahaa,waxaana jiro dhaawacyo ka dhashay dagaalka oo gaaraya 55-qof oo la geeyay isbitaalka Magaaladda cadaado.

Dhanka kale saraakiisha Ciidamadda qeybta 21aad ayaa waxaa ay sheegeen in guud ahaan ay xaqiijiyeen amniga deegaankii lagu dagaalamay, isla markaana ay wadaan qorsho ay ku kala qaadayaan maleeshiyaadka uu dagaalka dhex-maray.

Deegaanadda Maamulka Galmudug waxaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay dagaaladda dhexmara Maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here