Al Shabaab oo Soo Saartay Bayaan Ku Socda Dowladda Cusub ee Kenya

0

Bayaanka  ayaa lagu sheegay in Kenya heesato fursad ay dib u eegis ugu sameyn karto duullaanka ay kusoo qaadey Soomaaliya, waxa ayna Al Shabaab sheegeen haddii Kenya ciidankeeda kala bixin dalka dibna u saxin qaladkii ay galeen dhibaato la kulmi doonaan.

“Doorasho si adag loogu loollamay oo wadanka ka dhacday kadib, Kenya waxay maanta taagan tahay dariiq kalabeyr ah xilli ay Kenyaatigu isku diyaarinayaan in ay xafiiska keensadaan madaxweyne cusub, waxay markale heystaan fursad ay ku muraajaceyn karaan go’aannada siyaasadooda arrimaha dibadda iyo raadadka ka dhalanaya go’aanadaas oo uu ugu horreeyo duullaanka sharci darada ah ee ay kusoo qaadeen Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Al Shabaab.

“Muddo 11 sano ah ayaa laga joogaa markii ay Kenya duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya, ilaa maantadana Kenya kuma guuleysan wax uun ka mid ah ahdaaftii aasaasiga ahayd ee duullaanka, ciidamada military Kenya waxay ku go’doonsan yihiin saldhigyadooda, kama soo baxaan godadka ay kaga gabbadaan xabadda Shabaab, mana awoodaan inay qaadaan weerar ka dhan ah shabaab, halka dhanka kale, shabaab ay sii laba jibbaareen weeraradooda aargoosiga ah ee ka dhacaya gudaha Kenya, ayna fuliyeen boqolaal weeraro abaabulan ah oo lagu beegsaday ciidanka Kenya iyo xarumahooda” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay sii laba jibbaartay cadaadiska ka dhanka ah dhalinyarada Muslimiinta iyadoo kula kaceysa afduub iyo dilal sharci daro ah, iyadoo ku hoos gabaneysa la dagaalanka waxa loogu yeero argigixisada.

Al Shabaab ayaa sheegtay haddii dowladda cusub ee Kenya sii wado duullaanka iyo dulmiga ay ku heyso dadka muslimiinta ah in ay sii xoojin doonaan weerarada xooggan ay ka geestaan gudaha dalka Kenya.

Al Shabaab ayaana sheegtay haddii dowladda cusub ee Kenya sii wado dagaalka iyaga ka dhanka ah in aysan beegsan doonin kaliya ciidamada Kenya balse weeraro ka fulin doonaan xarumaha muhiimka ah ee Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here