Al-shabaab ayaa ka hadlay weerarkii habeenkii sabtida aheyd lagu qaaday Hoteelka Xayaat ee Magaaladda Muqdisho.
Afhayeenka dhinaca ciidamada ee Al Shabaab, Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarka hotelka Xayaat ku qaadeen iyo sababta ay u beegsadeen.
Waxa uu sheegay Abuu Muscab in Hotelka Xayaat degnaayeen dad kala duwan oo dowladda Soomaaliya katirsan, waxa uuna xusay in hoteelkan laga soo maleegi jiray shirqoolo ka dhan ah Al-shabaab.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadda kala duwan ee dowladda ay ku fashilmeen in waqti yar ay kusoo afjaraan weerarka lagu qaaday Hoteelka Xayaat.
“Cadaawgu wuxuu isku dayay inuu Mujaahidiinta ka fara maroojiyo goobta oo uu qabsado, wuxuuna soo qaaday 15 weerar wax ka badan, Ilaahey fadligiisa Shabaab ayaa u sabray jabiyayna in badan. Cadawgu halkaa ciidamo fara badan ayuu kusoo uruuriyay, markastana ciidan cusub ayuu soo galinayay goobta, mar kastana waa uu jabayay, dhimasho iyo dhaawac badanna waa uu la tagayay” ayuu yiri Abuu Muscab.
Afhayeenka ciidamada ee Al Shabaab ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen hotelka Xayaat ku dileen dad ka badan 40-qof, sidoo kale ku dhaawaceen dad gaaraya todobaatameeyo qof.
Abuu Muscab ayaa sheegay in ujeedka rasmiga ah ee u qaadeen weerarka hotelka Xayaat in uu ahaa in ay kaga jawaabaan dalab uu Madaxweyne Xasan Sheekh u dirsaday dowladaha caalamka uuna ku doonayo in laga taageero dagaal uu ku burburiyo Al Shabaab
“Hawlgalkan wuxuu yimid ayada oo dowladda , gaar ahaan Xassan Shiikh uu u qeylo dhaansaday xulufadiisa, isaga oo sheegaya inuu Shabaab burburin doono oo soo afjari doono, arrintaasi maanta waxay isku badashay in ayaga xubnahooda iyo shaqaalihii dowladda halkaasi lagu baaba’sho tacsi iyo geerina ay u taallo” ayuu yiri Abuu Muscab.

