Shaqadii Ergayga Abaaraha oo La Hoos Geeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha

0

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa meelmariyey in shaqada Ergayga gaarka ah ee arrimaha Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur la hoos-geeyo Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur  Warsame ayaa horey loogu magacaabay Ergay gaar ah oo Madaxweyne, balse qaraarka golaha Wasiiradda ayaa go’aamiyey in Ergayga uu guddiyadaas la shaqeeyo.

Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa magacyada shan xubnood u gudbiyey golaha Wasiiradda si ay u howlgaliyaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SODMA.

Halkaan Hoose ka Akriso Magacyadda Guddiga la magacaabay

1- Max’uud Macalin- Gudoomiye

2- Axmed Cabdi Aden- Xubin

3- Cabdirashiid Maxamuud Xasan- Agaasime

4- Luul Calow Axmed- Agaasime

5- Cabdiriasaaq Axmed- Agaasime.

Guddigan ayaa ka shaqeynaya isku duba ridka Gargaarka iyo Abaaraha wax ka qabashadooda, waxaana la shaqeynaya oo xogaha u gudbinaya 4 wasaaradood, iyo Ergayga gaarka ah ee Abaaraha ee uu  magacaabay Madaxweyne Xassan Sheekh.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here