Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaaladda muqdisho ku dilay Gabar kamid aheyd ardeydii shalay ku baasay imtixaanka wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ala ha u naxariistee Hibo ayaa saacado ka hor waxay u dabaaldegtay ka gudbida imtixaanka dowladda basle nasiib daro gacan ka xaqdaran ayaa xalay farxadeedii ku soo afjaray iney nafta dhaafiyaan deegaanka Ceelasha biyaha.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in rag hubeysan ay toorey ku dhufteen Hibo,islamarkaana ay ka qaateen Mobil ay wadatay.

