Faah-Faahin:-Korneyl Maxamed Buule oo Lagu Dilay Magaaladda Kismaayo

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sarkaal ka Tirsanaa Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta Lagu Dilay Magaaladda Kismaayo.

Sarkaalkan la dilay oo lagu magacaabi jiray Korneyl Maxamed Buule ayaa kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka qeybta 43aad ee ka howlgalla Kismaayo iyo hareereheeda.

Nin hubeysnaa ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay dilka Sarkaalka,waxaana isla goobta ku toogtay Ciidamadda amaanka Maamulka Jubbaland,waxaana socda baaritaano ku aadan sababta ka danbeysa toogashada uu ninkan u geystay sarkaalka iyo cida soo adeegsatay.

Sarkaalka la dilay oo aad looga yaqaanay Magaalada Kismaayo ayaa horay uga qeyb qaatay dagaalo Ciidmada xoogga dalka degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose kula galeen Al-Shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here