Dawladda Soomaaliya ayaa taageertay Madax banaanida dal-weynaha Shiinaha, is heynta Mareykanka iyo Shiinaha-na waxay taageertay dhinaca Shiinaha.
Soomaaliya ayaa ku baaqday in la ixtiraamo madax banaanida dhuleed, siyaasadeed iyo jiritaan ee dhul-weynaha Shiinaha.
Qoraalka oo lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu cadeeyey in Taiwan ay tahay qeyb kamid ah dhulka Shiinaha.


