Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysnaa oo maanta Degmadda afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ku dilay Nin Nabadoon ahaa.
Dilkaan ayaa si gaar ah kaga dhacay nawaaxiga saldhigga booliska Afgooye,waxaan fuliyay rag saarnaa Mooto Bajaaj, uu Nabadoonka doonayay in uu raaco.
Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Aadan Abshir Maaddeey.
Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in marxuumka xiliga la tooganayay uu sugayay mooto qaada, balse waxaa u soo istaagtay mooto ay saarnaayeen laba dhalinyara ah oo hubeysan, iyadoo rasaas ay qeybaha sare ee jirka kala dhaceen xili uu islahaa raac mootada oo goobtooda shaqada ku aad.

