Al-shabaab Oo Ceel-waaq Ku Dilay Wiil iyo Gabar Isla Dhashay

0

Al-shabaab ayaa weerar qorshaysan ku dilay wiil iyo gabar walaalo ahaa.

Weerarkaan ayaa ka dhacay deegaanka Girilleey ee Degmadda Ceel-waaq ee gobolka Gedo, ee Maamulka Jubbaland.

Sida Al-shabaab ay sheegeen wiilka iyo gabadha la dilay ayaa la shaqeynayay Dowladda Kenya,waxayna u ahaayeen Basaasiin.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ladilay laba qof oo wada dhashay islamarkaana mid kamida ay aheyd haweeneey, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Cabdisalaan Cusmaan Buraash iyo Aamino Cusmaan Buraash.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dadka ladilay ay ushaqeynayeen sirdoonka Kenya sida ay baahisay idaacadda Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here