Baanka Adduunka ayaa Soomaliya ugu deeqay $100 Miyan oo Dollar taas oo ah kabka Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo heshiiskan saxiixay ayaa Baanka Adduunka uga mahadceliyey taageeradda soomaaliya ay siinayaa.
Bayle oo qoraal ku daabacay bartiisa Facbook ayaa sheegay in arrintan ay timid kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay buuxisay dhammaan shuruudihii heshiiska lagu ahaa oo ay ku jiraan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo maamul wanaagga.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhinaca kale sheegay in lacagahan uu Bank-ga Adduunka u ansixiyay Soomaaliya gacan ka geysan doonaan maalgelinta mustaqbalka ee dalka.
“Waxa aan u mahadcelinaynaa Baanka Adduunka oo ansixiyey ku dhawaad $100 milyan oo dollar oo ah kabka miisaaniyadda Dowladda, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay buuxisay dhammaan shuruudihii heshiiska lagu ahaa oo ay ku jiraan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo maamul wanaagga” ayuu yiri wasiir Bayle.
“Aad baan ugu faraxsanahay in aan maanta saxiixo heshiiskan cusub, run ahaantiina waxa u gacan ka geysan doonaa maalgelinta mustaqbalka dalkeenna” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.



