Af-hayeenka Al-shabaab Cabdicasiis Abu Muscab oo Soo Hadlay, Kana Hadlay Dagaalka Caato

0

Af-hayeenka Al-shabaab Cabdicasiis Abu Muscab oo hadda shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyay in ay dagaalkii maanta ku dileen in ka badan 150 askari oo ka tirsan Ciidanka Liyuu Booliiska DDS.

Af-hayeenka Al-shabaab oo codkiisa laga sii daayay warbaahinta  Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in ay dagaalkii Caato ku qabteen maxaabiis badan.

Itoobiya ayaa sheegtay in ay dishay mid ka mid ah horjoogayaasha aadka loo baadi goobayay ee Al-Shabaab, kadib howlgalo la xiriira duqeyn dhanka cirka ah.

Fu’aad Maxamed Khalaf oo loo yaqaan Fu’aad Shongole waxa uu ahaa madaxa dacaayadda ee al-Shabaab, sida uu sheegay jeneraalka Itoobiya.

Horey, Maraykanku wuxuu madaixiisa dul dhigay  5 milyan oo doolar oo qofkii keena ciddii keenta xog horseeda in la soo qabto lacagtaasi lagu abaal-marinayo.

Janaraal Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in la la dilay 3 horjooge oo uu ku jiro madaxii ololaha iyo dacaayadaha Alshabab iyo 3 kale oo ka tirsan ururka Al-shabaab. Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Ethiopian News Agency.

Ma jiraan warar ka madax-bannaan sheegashooyinka labada dhinac ee uu dhexmaray dagaalkii maanta iyadoo mid kasta uu guul ka sheegtay dagaalkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here