Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax laga maqlay Degmadda Dharkinley ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa waxa uu ka dhacay xaafadda Cali Goleey dhanka xigta Degmadda Dharkinleey, waxaana la soo sheegayaa inuu ka dhex dhacay guri.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa gurigaasi lagu dhex diyaarinayay.
Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliyeed qeybta galbeed ayaa sheegay in gaari Premier ah oo qaraxa lagu diyaariyay uu qarxay.
“Dadkii qaraxa diyaqriyay ma gaariga ayey ku dhex jireen, guriga miyey ka maqnaayeen, baaris ayaan arrintaasi ku wadnaa, waxaan isbitaal geynay labada qof ee dhaawaca ah, gurigiina waxaa la wareegay laamaha amaanka”,ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska.

