Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta Xukun ku fulisay Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo ku xukunaa dilaka Allaha u naxariistee Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/L Faarax Cumar Geelle iyo Walaashii iyo Xaawo Cumar Geelle.
Goobta lagu fulinayay xukunka oo ahayd banaanka Degmada Caabudwaaq ayaa waxaa ku sugnaa, Ehelada Marxuumiinta, Maamulka Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Caabudwaaq.
Dhawaan ayay aheyd markii Axmed Cabdi Aadan uu Degmada Cabudwaaq ku dilay Taliyaha iyo walaashiisa,wuxuuna qirtay Dambigaas.
Magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud Maanta lagu qisaasay Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo dhawaan halkaas ku dilay Allaha u Naxariistee Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/le Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle.
Goobta lagu fulinayay xukunka oo ahayd bartamaha Caabudwaaq ayaa waxaa ku sugnaa, Ehelada Marxuumiinta,Maamulka Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Caabudwaaq.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda Galmudug ayaa dhawaan xukun dil ah ku ridday Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) kadib markii lagu helay in dil bareer ah uu bartamaha degmada Caabudwaaq ugu geystay Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/le Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle.
Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo maanta dilka lagu fuliyey ayaa hore uga tirsanaa qeybta 21aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

