Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay La-taliye Madaxweyne Ku-xigaanka Puntland

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 26-da July 2022, soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 40, kuna saabsan magacaabid La-taliye Madaxweyne Kuxigaanka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Markuu la-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Mire Xasan (Gawiido) loo magacaabay la-taliyaha Madaxweyne Ku-xigaanka ee Arrimaha Siyaasadda.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here