Wasiir Cabdi Siciid Oo Lagu Waayay Eeda Markab Dhuxul Ka Dhoofiyay Soomaaliya

0

Maxkamadda sare ee dalka Cumaan ayaa laashay xukun lagu riday dad lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, xiriirna la leh Al-shabaab.

Maxkamadda hoose ee dalka Cumaan ayaa riday xukunkan, kadib markii saddex nin oo markabkan watay lagu eedeeyay dambi ah in ay wadeen dhuxul si sharci darro ah looga soo dhoofiyay Soomaaliya.

Go’aanka maxkamadda ka soo baxay ayaa hadda lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha-dibedda Soomaaliya aysan ku lug-lahayn wax qalad ah.

Sidoo kale ma muujinin wax cadeyn ah oo tusinaya in markabku uu ogolaansho ka helay wasaaradda ama codsi loo gudbiyey hey’adaha ay khuseyso ee dawladda Cummaan si ay u si deyso markab kaas oo dhuxul siday, sida ku cad qaraarka maxkamada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here