Dowladda Kenya oo Dib u Bilowday Duulimaadyadda Qaadka

0

Dowladda Kenya ayaa maanta oo axad ah diyaaradii ugu horeysay oo siday Qaadka loo yaqaanoo Miirowga usoo dirtay Soomaaliya.

Wasiirka Beeraha Kenya Peter Munya oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay in Kenya ay maanta biloowday duulimaadyadda Qaadka,kadib heshiiskii Kenya iyo Soomaaliya ee 15-kii bishaan.

“Saaka,diyaaradii ugu horeysay ee Miraa Cargo ayaa ku soo duushay Magaalada Muqdisho,ballanqaadkayagadawlad ahaan inaan taageerno beeralayda Miraa iyo dhammaan qaybaha kale si ay u helaan fursadaha suuqa maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ayaa weli ah mid sugan”,ayuu yiri wasiirka Beeraha Kenya.

Waa markii ugu horreysay oo ay Kenya qaad usoo dhoofinayso Soomaaliya, labo sano kadib markii dowladdii hore ay xayiraad kusoo rogtay sababa la xiriira COVID19 iyo xiriirka diblumaasiyadeed labada dal oo xumaaday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here