Dawlada Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in la soo afjaray dagaalkii u dhexeeyay Al-shaabab iyo Liyuu Booliska ee maalmihii la soo dhaafay ka socday gobolka Afdheer.
War-murtiyeed ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Dawlada Deegaanka Soomaalida ayaa lagu yiri “Waxaa la laayay dhammaan kooxdii Al-shabaab ee 4 maalmood ka hor duulaanka ka soo qaaday aaga Caato ee soo gashay Gobalka Afdheer, kadib markii ay Ciidamada Xooga Gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aaga Hulhul”.


