Ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa la sheegay iney howlgal ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Waxaa howlgalkan laga sameeyey degaanka Mukayga oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Sh.hoose.
“Hawlgal bartilmaameedkiisu qorshaysnaa oo ay Ciidamada gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ka fuliyeen Mukaya oo ka tirsan degmada Afgooye ayey ku soo qabteen Dhagar qabe Macallin Xaashi oo deegaanadaas u qaabilsanaa Argagixisada Al-shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka ka baxay warbaahinta dowlada.

