Cumar C/rashiid:-“Puntland Ma Waxay Isku Dayeysaa inay u Dhaqanto Dal Madax-banaan”,!

0

Raisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa ka hadlay dhacdadii shalay ka dhacday magaaladda Boosaaso ee Gobolka bari, ee lagu hor istaagay ku-simaha Madaxweynaha Soomaliya ahna Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaanad Sacdiya.

Raisulwasaare Sharmaarke ayaa sheegay in arimaha noocaan oo kale ah ay sababayaan in la dedejiyo in dastuurka la dhamaystiro, si qolo kasta xadkeeda u ogaato.

“Puntland ma waxay isku dayeysaa inay u dhaqanto sidii dal madax-banaan markii ay diideen in ay soo degto ku-simaha Madaxweynaha ahna ku xigeenka Golaha Shacabka, si gargaar loo baahan yahay loo gaarsiiyo magaalada Boosaaso? Tallaabooyinka noocaas ah ayaa keenaya muhimadda ay leedahay in degdeg loo dhameystiro Dastuurka Federaalka, qaab siyaasad loo dhan yahay, In Xildhibaan ah sii hayaha Madaxweynaha ah afhayeenkii Baarlamaaka diyaaraddii uu saarnaa hawada sare laga celiyo ayuu ka dhigey wax aan la qaadan Karin”,ayuu yiri Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here