Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhigiisa Eritrea la saxiixday heshiis Is afgarad Labo Geesood ah, kaasoo qalinka lagu duugay.
Heshiiska Labadda Madaxweyne ayaa ku saabsan dhinacyada siyaasadda, diblomaasiyadda, dhaqaalaha, Iskaashiga bulshada, dhaqanka, deegaanka, Difaaca iyo amniga.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ku sheegay in labaadda Madaxweyne oo kulamo qaatay ay ku heshiiyeen 7-qodob.
Halkan ka akhriso Todobada qodob ay ku heshiiyeen.
- Kor u qaadida xiriirka labadooda shacab oo ay ku jiraan Qurba-joogta Bulshooyinka kale.
- In la xoojiyo iskaashiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda si loo ilaaliyo loona horumariyo
danahooda qaran.
- In la ballaariyo iskaashiga dhaqaale iyo bulsho iyadoo xoogga la saarayo ganacsiga.
maalgashiga, ilaalinta biyaha, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka, iyo waxbarashada.
- Kobcinta hawlaha dhaqanka, farshaxanka iyo ciyaaraha iyo sidoo kale cilmi iyo iskaashiga farsamada.
- Horumarinta iskaashiga si loo ilaaliyo loona wanaajiyo deegaanka iyo gudaha
wax ka qabashada saameynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurrada faafa.
- Horumarinta iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga.
- In si wadajir ah loogu dadaalo sidii loo hormarin lahaa xiriirka wanaagsan, iskaashiga, iyo dhaqaalaha is dhexgalka Geeska Afrika.
Xasan Sheekh oo Sabtidii u duulay Asmara, ayaa la kulmay ciidamadda tababrka ugu maqan dalkaasi Eritrea, wuxuu sidoo kale kormeeray mashaariicyo horumarineed oo dalkaasi ka socda, wuxuuna madaxweynaha balanqaaday inuu deg deg dalka ugu soo celin doono ciidamadaasi ku maqan Eritrea mudada ku dhow saddexda sano.
30-kii bishii July 2018-kii waxaa sidaan oo kale heshiis u gaaray Dowladdaha Soomaaliya iyo Eritrea,kadib markii Madaxweynaha dalkaas uu soo gaaray Magaaladda Muqdisho,waxaan lagu heshiiyay 4-qodob oo labada dhinac dan u ah.
Madaxweynaha Haatan taladda haya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa intii uu olalaha ku jirey sheegay in Isaias Afwerki iyo Eritrea aysan faaido u heynin Soomaaliya,islamarkaana Soomaaliya aysan faaido ka halayso Wadamada kale.
Eritrea waxa ku sugan ku dhawaad 5000 askari oo 3-sano aynu soo dhaafnay tababaro halkaas ku qaadanayay,waxaana dalkaas la geeyay waqtigii Madaxweyne Farmaajo.
Muddo sanado ah waxaa laga weysanaa wax aqbaar ah,iyadoo la isla dhexmarayay in laga qeyb galiyay dagaaladii ka socda dalka Ethopia,ayna ku dhinteen tiro badan oo dhalinyaro Soomaali ah,waxayna tasi walaac ku abuurtay waalidiin Soomaaliyeed.

