Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa beenisay wararka ku aadan in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu safar qarsoodi ahaa ku tagay Dalka Isreael.
Shir Jaraa’id oo magaalada Muqdisho uu ku qabtay shalay afhyeenka madaxweynaha Soomaaliya Cabadikariin Cali kaar ayaa warbaahintu ku waydiisay waxa ka jira in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Israel safar ku tagay,arrintaas oo gabi ahaanba uu beeniyay afhayeenku. Wuxuu sheegay in madaxweynuhu aanu tagin Israel,maadama Soomaaliya iyo Israel aanu ka dhaxeynin xiriir diblomaasiyadeed.
“Maadama aanna Israel lahayn xiriir diblomaasiyadeed haddii la tagana wax la qarinayo ma aha, laakin lama tagin hadda waxa la tagay waa Imaaraadka,”. ayuu yiri Cabadikariin Cali kaar. Dallka Imaaraadku wuxuu ka mid yahay dalalka Khaliijka ee Israel la sameyay xiriirka diblomaasiyadeed iyo mid ganacsi.
Saddex ka mid ah waddamada ku bahoobay Ururka dalalka Carbeed – oo kala ah Isu tagga Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Morocco – ayaa xiriir la sameystay Israa’iil sanadkii 2020-kii, horayna wax xiriir ah uma aysan lahayn. Wasiirradooda Arrimaha Dibadda ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan horumarinta xiriirkooda saaxiibtinnimo.

