Carshe Siciid;-“Puntland Wixii Farmaajo ay Ka Diiddey Cid Kale Kama Yeelayso”.

0

Maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ka aqbali doonin waxa ay ka diideen Maamulkii madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Wasiirka Tamarta maamulka Puntland Carshe Siciid oo fagaare ka hadlayay ayaa banaanka keenay ineysan faraha ka laaban doonin khaladaadka dowladda cusub.

Waxa uu sheegay in dagaalkii ay la galeyn dowladii Madaxweyne Farmaajo mid lamid ah ay la gali doonaan Dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud hadii ay sii socdaan qaladaadka socda.

“Puntland wixii Farmaajo ay ka diiddey cid kale kama yeelayso, geedka Timirka ayaan u fadhinaa dowladda cusub”  ayuu yiri Wasiirka Tamarta, Carshe Siciid.

Dhanka kale Wasiirka tamarka Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Xildhibaanadii kasoo baxay puntland in ay sabab u ahaayeen guuldarooyinka soo gaaray Madaxweyne Saciid C/laahi Deni.

“Puntland in ay hanan weydo Madaxweynaha Soomaaliya waxaa eedeeda leh xildhibaannadii aan eedda u galnay, wixii aan Farmaajo ka diidneyna ka yeelimayno dowladda Xasan” ayu uku celiyay Wasiirka Tamarta maaulkaas carshe Siciid oo kamida wasiirada ugu dhaw Deni.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here