Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay in Wada-hadal la Gasho Al-shabaab

0

Warbixinta ay soo saartay hay’adda xasaradaha caalamka ee loo soo gaabiyo ICG ayaa faahfaahin ka bixinaysa dhibaatooyiinka ka dhashay dagaalka lagula jiro ururka Al-Shabab, xilli dhanka kalena ay ku talisay haayaddani in wakti xaadirkan ay lagama maarmaan tahay in Al-Shabab lagu dayo wadahadal.

Dagaalka daba dheeraaday ayay warbixintu sheegtay in uu galaaftay nolsaha dad badan islamarkana uu minja xaabinayo dib u dhiska Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ICG ay dowladda Soomaaliya kula talinaysa bal in waddooyiin kale loo maro hogaamiyayaasha Al-shabab si loo tijaabiyo suuragalnimada wadaxaajood lala galo.

ICG ayaa madaxwaynaha cusub ee Soomalaiya Xassan Sh Maxamuud ku boorisay bal in uu markan tijaabiyo wadaxaajood lala galo Alshaabab.

Warbixinta ay soo saartay hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee loo soo gaabiyo ICG aya lagu xusay in ay jirto dood gudaha iyo dibadaba ah oo isa soo taraysa taasi oo ku saabsan in Alshabab militari ahaan oo kali ah aanay suurgal ahayn in lagaga adkaadaa.

Waxaa ay sidoo kale haayaddani farta ku fiiqday in Marna aysan jiri doonin waqti ku habboon oo Al-Shabab wadaxaajood lala galo, balse ay macno badan sameynayso in la isku dayo hadda intii la sugi lahaa waqti dheer, haddaba hore laga bilaabo.

Hay’dda ayaa sheegtay in madaxwayne Xasan Sh Maxamuud markii uu xilka u tartamayay uu ballan qaaday inuu dib u heshiisiin dhex dhigi doono Soomaalida gudaheeda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here