Wararka ka imaanaya Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa ku waramaya in Magaaladaas xalay lagu dilay Gudoomiyihii Xisbiga mucaaradka ah ee UCID u qaabilsanaa gobolka Sool.
Mas’uulka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Maxamed Aflahar ayaa waxaaa rasaas ku furay dabley hubeysan oo weerar ku soo qaaday, kuwaasoo ka baxsaday goobta markii ay dilka fuliyeen.
Ciidanka amaanka Somaliland ee Magaalada Laascaanood ayaa bilaabay howlgalo baaaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan raggii dilkaas.
Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda dilka loo geystay Gudoomiyihii Xisbiga mucaaradka ah ee UCID u qaabilsanaa gobolka Sool.

