Magaalada Addis Ababa caasimadda Itoobiya waxaa ka furmaya Shir u dhaxeeya Taliyaasha Ciidanka Booliiska waddamada dhaca Bariga & Bartamaha Afrika ee xubnaha ka ah Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL.
Soomaaliya waxaa kulankaas ku metalaya Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ku sugan Magaalada Addis Ababa, waxa uu warbixin guud ka bixinayaa howlaha Booliiska Soomaaliyeed uu qabtay muddooyinkii dambe.
Soomaaliya waxaa kulankaas ku metalaya Taliyaha Ciidanka Booliiska, General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.
Shirka oo ah mid sanadkiiba mar ay yeeshaan Taliyaasha Ciidamada Booliiska Waddamada Xubnaha ka ah Booliiska Caalamiga ah ee Interpol ayaa looga wada hadlaa xoojinta xiriirka dalalkaan iyo sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen soo qabashada Dadka baxsadka ah.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Xijaar ayaa la kulmay dhiggiisa Itoobiya Gen. Demelash Gebremicheal & saraakiil kale ka hor furitaanka shirka waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyo wada shaqaynta

